Guddoomiye ku xigeenkii Xaawo Taako oo lagu dilay Magaalada Baladweyne.

by admin | Tuesday, Aug 11, 2020 | 419 views

Koox hubeysan ayaa xalay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku dishay Laanta Nuur Xawaad Guddoomiye ku xigeenkii Xaafadda Xaawo Taako oo lagu magacaabo Jeyle Gaarane Cabdulle.

Ciidamo katirsan Booliiska Magaalada Baladweyne oo qaaday maydka Guddoomiye ku xigeenkii Xaafadda Xaawa Taako ayaa sheegay in ay dabagal ku sameynayaan dadkii ka dambeeyay toogashadiisa.

Xaafadda uu falkaan ka dhacay isla xalay waxaa ka howlgal bilaabay Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka, waxa ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan in ay wax ka ogaayeen.

Sooma bandhigin hay’adaha amniga xog dhaafsiisan in ay wadaan dabagalka falkaas dilka ah ee loo geystay Guddoomiye ku xigeenkii Xaafada Xaawo Taako oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Baladweyne.

Ehelka Marxuumka ayaa sheegay in dhowr xabad lagu dhuftay Marxuum Jeyle Gaarane Cabdulle oo sababay in uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo soo gaaray, kadib markii ay toogatay kooxdii weerartay.

Hay’adaha ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in cadaalad uu heli doono Jeyle, isla markaana ay dabagal ku sameynayaan dadka ay la xiriirinayaan dilkiisa in ay ka dambeeyeen ama ay wax ka ogaayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response