Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug oo la doortey

by admin | Friday, Jan 17, 2020 | 506 views

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa goordhow lagu qabtey doorashada guddoomiye kuxigeenada 1aad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana codeynayey 89 Xildhibaan ee Maamulka Galmudug.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cabdullahi Xirsi Maxamuud & Saadaq Sheekh Yuusuf Sh. Ibraahim,waxaana 59 Cod helay Cabdullaahi Xirsi Maxamuud oo loo doortey Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug halka Saadaq Sheekh Yuusuf uu heley 29 Cod.

Sidoo kale waxaa Goordhow bilaabatey u codeynta musharixiinta u tartameysa xilka Guddoomiye kuxgeenka labaad ee Baarlamanaka Galmudug oo ay ku tartamayaan Faatima Cabdi Cali iyo Maxamed Axmed Maalin.

Like it? Share it!

Leave A Response