Guddoomiye Mursal oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada Koofur Galbeed ee ku kacsan Shariif Xasan

by admin | Thursday, Nov 1, 2018 | 798 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed oo maalin ka hor diyaarado lagu keenay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo la sheegay inuu ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa looga hadlay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo 17-ka bishan November ka dhaceysa magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada uu la kulmay Guddoomiye Mursal ay gaarayaan illaa 20 meeyo Xildhibaano, kuwaasoo ka soo horjeeda Shariif Xasan.

Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed inay doortaan cida ay u arkaan inuu ka turjumayo rabitaanka shacabka Koofur Galbeed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xildhibaanadan ka tirsan Koofur Galbeed ay kulamo la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta kale ee dowladda iyo Xildhibaanada Labada aqal.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ah mid xasaasi ah ayaa ololahooda wuxuu noqday mid Muqdisho iyo Baydhabo si weyn uga socdo, waxaana la sheegayaa in dowladda Federaalka ay saameyn ku leedahay doorashada, maadaama ay wadato Musharaxiin gaar ah

Like it? Share it!

Leave A Response