Guddoomiye Yariisow oo ka gudbi la’ kullamo joogta ah & Qorshe lama filaan oo soo ifa baxay

by admin | Tuesday, Mar 20, 2018 | 1083 views

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Wafdi ka socday dowladda Talyaaniga, waxaana uu kala hadlay sidii loo horumarin lahaa Caasimadda.
Wafdiga ka socday dowladda Talyaaniga ayaa waxaa hoggaaminayay Ergeyga dowladda Talyaaniga u qaabilsan Geeska Afrika iyo sidoo kale Safiirka u fadhiya Soomaaliya.
Labada Dhinac ayaa diiradda saaray sidii Caasimadda Soomaaliya loo horumin lahaa iyo sidoo kale sidii loo mideyn lahaa Rooma iyo Muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dowladda Talyaaniga uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.
Waxaa uu sheegay in gobolka Banaadir uu u baahan yahay in helo adeegyadii muhiimka ahaa ee Bulshadda.

Like it? Share it!

Leave A Response