Guddoomiye Yuusuf Dabageed oo eedeyn kulul u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle

by admin | Monday, Apr 22, 2019 | 1029 views

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa eedeyn kulul u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Hiiraan isagoo ku eedeeyay inay dhibaato ku hayaan Maamulka ka jira gobolka Hiiraan.
Yuusuf Dabageed oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhoweynayay gudoomiye ku xigeenka labad ee Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise oo booqasho ku tagtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in xildhibaanada Hirshabelle ay marwalba cadaadis ku saaraan Madaxweynaha Hirshabelle inuu bedelo mas’uuliyiinta deegaanada hoostaga gobolka Hiiraan iyagoo aan wax sabab ah u hayn.

Sidoo kale Guddoomiye Dabageed ayaa sheegay inaysan jirin wax faa’ido ah oo maamulka Hiiraan uu ku qabo Maamulka Hirshabelle.

“Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle waxaa cadaadis ku saara xildhibaanada ka soo jeeda Hiiraan inay bedelaan madaxda Hiiraan aniga waxaan ahay guddoomiyihii sideedaad maamulka gobolka Sh/dhexena waa kii uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee waxaa uu hore ugu eedeeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed in isbedelka Maamulka gobolka Hiiraan uu yahay mid uu ka dambeeyo Madaxweynaha Hirshabelle iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle.

Like it? Share it!

Leave A Response