Guddoomiyihii degmada Buula-burte oo xilka laga qaaday iyo mas’uul cusub oo loo magacaabay {Akhriso}

by admin | Monday, Oct 7, 2019 | 572 views

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan iyo duqii degmadadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii degmada Buulo-Burde C/Casiis C/llaahi Cabdi (Duuroow) iyo duqii degmadaas Maxamed Fiidowe Cawaale.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xilka guddoomiyaha degmada Buulo-Burde si KMG ah loogu Magacaabey Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Liibaan Cabdi Burisoow.

Sababaha xilka qaadista Gudodomiyihii degmada Buulo-Burde iyo deqii degmadaas ayaa waxa lagu sheegay kadib markii la arkaya is qabqabsi ka jira degmadaas iyo la-tashiyo lala sameeyey Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle.

Wararka ka imanaya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in halkaa ay ka taaggan tahay xiisad ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiyihii degmada, waxaana tallaabadan ay qaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle imaneysa xili maalmihii ugu danbeeyayba uu jiray khilaaf xooggan oo ka dhashay qorshe la doonayay in Gole deegaan loogu sameeyo degmada.

 

Like it? Share it!

Leave A Response