Guddoonka Baarlamaanka oo isku khilaafsan xilliga la qabanyo dooda Mooshinka Jawaari

by admin | Monday, Mar 26, 2018 | 1103 views

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu ugu jawaabay qoraal ka soo baxay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka C/wali Ibraahim Muudey.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey ayaa shaaciyay in 31-da bishan maalinta Sabtida ah uu qabsoomi doono kulanka looga doodi doono Mooshinka ka yaalla Guddoomiye (Jawaari).

Mahad Cabdalla Cawad ayaa warqada ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Muudey ku tilmaamay mid aanu aheyn mid ka soo baxay Guddoonka xafiiskiisa oo loo dhan yahay,

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Cawad in Guddoomiye ku xigeenka 1-aad uusan go’aamin karin xilliga uu furmayo kulanka codka kalsoonida loo qaadayo Guddoomiye Jawaari, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Jawaari uu yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in Dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka aysan waafaqsaneyn warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey.

Xildhibaanada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Guddoomiye Muudey uu sharciga ku xad gudbay go’aan keligiisana uu qaatay.

Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in Guddoomiye Muudey uusan ahayn ku sime Guddoomiyaha Golaha Shacabka sharci darana ay tahay sheegashadiisa.

Khilaafka ka dhexjira Golaha shacabka BFS ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu dhameeyo arrintan.

Like it? Share it!

Leave A Response