Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi oo ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay

by admin | Friday, Aug 17, 2018 | 855 views

Maxamed C/llaahi Fiidoow, oo uu dhowaan xilka ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha Dowladaha hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle  ayaa ka hadlay xil ka qaadista uu ku sameeyay Wasiir Caadle.

Fiidoow, waxa uu sheegay inuusan ka warqabin xilka qaadista, balse uu ka maqlay oo kaliya Warbaahinta, waxa uu usheegay in uu wali yahay guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi maadaama aan loo marin sifo sharci ah xilka qaadistiisa.

Wareegtada Wasiir Caadle, waxaa xilkii looga qaaday gudoomiyihii Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidoow, Waxaana xilkiisa loo magacaabay Ibraahim Madoobe Nuur, Sidaas oo kale waxaa xilalkii laga qaaday guddoomiye kuxigeenadii Maaliyada, Nabadgelyada iyo Siyaasadda, Samafalka iyo Horumarinta mashaariicda, waxaana xilkiisa sii heynaya oo aan laga qaadin guddoomiye kuxigeenka arimaha Bulshada.

Maxamed C/llaahi Fiidoow ayaa sheegay in uu waxbadan ka qabtay Degmada sanadihii uu xilka hayay, haatanna diyaar uyahay inuu xilka wareejiyo, balse ay tahay in la maro nidaamkii saxda ahaa, sida uu yiri.

Like it? Share it!

Leave A Response