Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka gobolka dhexe ayaa la kulantay Gudoomiyaha dhalinyarada qaranka soomaaliyeed kaas oo ka dhacay muqdisho.{sawiro}

by admin | Thursday, Jun 13, 2019 | 974 views

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka gobolka dhexe Fartuun aadan xeefoow ayaa magaalada mugdisho ee caasimada dalka soomaaliya kula kulantay Gudoomiyaha dhalinyarada qaranka soomaaliyeed Abdi Hafid Hussein Ahmed waxeeyna kawada hadleen sidii leeyskaga kaashan lahaa horomarmarinta dhalinyarada soomaaliyeed iyo sidii shaqo abuur loogu sameen lahaa dhalinyarada gobolka shabeelaha dhexe .

Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada Gobalka Shabellaha Dhexe Fartun Fartuun Adan Xeefow Ayaa dhawaan La kulantay Dhalinyarada Degmada Cadale Ee Gobalka Shabellaha Dhexe sidoo kale Gudoomiye Fartuun ayaa Horay Safar ugu so Martay Degmoyinka Balcad iyo Warsheekh oo Dhamaantood ka Tirsan Gobalka Shabellaha Dhexe ..

Fartuun aadan xeefoow oo la hadashay shabakada wararka ee reegaay.com ayaa sheegtay in dhalinyarada ku nool magaalada muqdisho iyo mas.uuliyiin kale ay lakulmi doonto inta ay joogto magaalada muqdisho.

Ugu danbey Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqday Dhalinyarada soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan hormarka iyo xasiloonida soomaaliya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response