Gudoomiye Amar ku bixiyay in Madaxa Lagu dhufto….

by admin | Wednesday, Nov 14, 2018 | 769 views

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyey Galabta Idaacada VOA-da Soomaali waxa uu kahadlay Xanibaada ay galeen Gaadiid Xamuul Ah.

Baabuurtaan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo Raashin kala duwan ku rarneyd,islamarkaana isbaarooleey ay Ku Qasbeen inay bixiyaan Lacag ayna gaadiidleyda ka cowdeen Lacagtaas.

Howlgal ayaa durba bilowday gaadiidkaan lagu sii deynayo,iyadoo Gudoomiyaha Shabellaha Hoose uu sheegay in ay isku dar daar wariyeen la dilo Askarigii la arko isagoo Isbaaro u taalla.

Baabuurtani waxaa lagu xanibay inta udhaxeysa Afgooye ilaa Wanla weyn,islamarkaana Maamulka Gobolka Sh/Hoose,ay shaaca ka dhigeen in aysan udul qaadan doonin isbaaro la dhigto.

Like it? Share it!

Leave A Response