GUDOOMIYE CISMAAN BARRE OO KA HADLAY CAQABADAHA HORTAAGAN HIR-SHABEELLE.

by admin | Saturday, Oct 13, 2018 | 806 views

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Sh.Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Caqabado is biirsaday ay ku hor gudban yihiin Hormarka Maamulkiisa.

Ammaanka ayuu tilmaamay in uu yahay Xaaladda ugu adag ee uu la daalaa-dhacayo Maamulkiisa, maadaama Waddooyin dhowr ah ay xiran yihiin Xarakada Al-Shabaab.

Marxalado Siyaasadeed oo isbad-badal watay ayuu sheegay in uu Maamulka Hir-Shabeelle soo maray, lagana gudbay.

Balse Amni darada ay Saameynta ku yeelatay isku socodka Deegaanada Maamulkaasi oo culeys ku kordhay ku noqotay.

Gudoomiye Cismaan Barre ayaa ku faanay in Maamul Goboleedyada qaar ay dhaamaan, maadaama ay ku shaqeeyaan Magaalada Madaxda Maamulka.

Waxa uu soo dhoweeyay howlgalada ay ku baaqeen AMISOM iyo Madaxweyne Waare si la isugu furo Wadada isku xirta Baladweyne iyo Muqdisho oo aan Muddo isticmaalin Madaxda Dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response