Gudoomiye Cumar Finish oo muujiyay in wali ay ka jirto cabsi Xarunta G/Banaadir

by admin | Saturday, Nov 16, 2019 | 611 views

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa wel wel ka muujiyay sidda ay saameynta ugu yeesheen Al-Shabaab Shaqaallaha iyo Agaamiyeyaasha guud ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in wali Xarunta gobolka Banaadir ay ka jirto cabsi ku aadan in uu dhaco weerar la mid ah Midkii lagu dilay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo dilkiisa ay fulisay haweenay Agaasime ka aheyd Xafiis ka mid ah Xafiisyadda dowladda Hoose.

Waxaa uu sheegay markii uu xilka qabtay in Agaasime kale oo ka mid ah gobolka Banaadir uu qorsheeyay in uu geysto weerar la mid ah kii lagu dilay Duqii hore ee Muqdisho laakiin ay ka hortageen Hay’addaha Ammaanka.

Cumar Filish ma auusan shaacin magaca agaasimaha, goorta la qabtay iyo halka uu ku dambeeyey midna.

“Sida aad la socotaan qaraxii gobolka waxaa fulisay agaasime ka shaqeeneysay gobolka, hase yeeshee waxaa markaan aniga xafiiska imid sidoo kale la qabtay agaasime kale oo qorshahaas camal damacsanaa.” Ayuu yiri Cumar Filish.

 

Like it? Share it!

Leave A Response