Gudoomiye Mursal iyo RW Guulleed oo ku biiray shirka Madaxda DFS iyo DG!

by admin | Thursday, Sep 17, 2020 | 377 views

Waxaa xalay mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay Madaxda ay ku maqnaayeen fasax iyo la tashiyo ay la soo yeelanayeen dhinacyada kale, iyagana si gaar gaar ah isu arkayeen.

Shirka xalay ayaa waxaa ku soo biiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo loogu yeeray inuu qeyb ka noqdo wada hadalada.

Sidoo kale waxaa shirka qeyb ka ah Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay weli ku adkeysanayaan qodobada kala ah:

In aanay doorashadan maamulin Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, taas bedelkeed la sameeyo Guddi heer federaal iyo heer dowlad goboleed,

In doorashada aanan xisbi lagu gelin.

In deegaanada doorashada aanay ka badan 2 deegaan, tirada ergada laga dhigo 101 illaa 150 ergo.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa intooda badan isku dhinac noqday, iyadoo xitaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo wax ka saxiixay heshiiskii Dhuusamareeb 3 ay doonayaan in wax laga bedelo qodobada qaarkooda.

Maanta ayaa sidoo kale waxaa jiri doono kulamo kel oo u dhexeeya madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response