Guud ahaan Caalamka oo maanta laga diiwaangeliyay 97,058-kiisas Covid-19 ah!{AKHRISO}

by admin | Friday, Oct 16, 2020 | 375 views

Kiisas cusub oo Covid-19 ah ayaa guud ahaan caalamka laga diiwaangeliyay maanta oo jimco ah, waxaana diiwaanka galay 97,058-xaalado cusub ah, halka ay dhinteen 1,691-ruux, waana suuragal in tiradu intaas kasii badato.

No photo description available.

Dalka ugu badan waa Russia 15,150-xaalado cudurka Coronavirus ah ayaa la diiwaangeliyay, kaalinta labaad waxaa soo galay Belgium oo waxaa baarista lagu helay 10,448-ruux, fooqa-sare dhanka dhimashada galay dalka dhaca Waqooyiga Ameerika ee Mexico.

Brazil lagama soo sheegin kiisas cusub oo dhimasho ama dad uu heleelay xannuunka Covid-19, balse labada dal ee ku jira kaalmaha 1-aad & 2-aad ee India oo laga helay        6,885-Bukaanno cusub ah, Dhimasho 68-kale, iyo US (Mareykanka) oo kiisaska cusub ah 2,773-ruux & Geerida 37-qofood.

Guud ahaan kiisaska xannuunka Covid-19 caawa waxa uu gaaray 39,239,666 (Soddon iyo sagaal Milyan, labo boqol, soddon iyo sagaal kun, lex boqol, lexdan & lex ruux, halka dhimashadu tahay 1,104,022 (Hal malyan, boqol & afar kun, labaatan & labo ruux), waxaana ka caafimaaday 29,413,696 (Labaatan & sagaal Malyan, afar boqol, toban & saddex kun, lex boqol, sagaashan & lex ruux).

Image may contain: one or more people and phone, text that says 'COVID-19 TEST'

Shalay ayaa la diiwaangeliyay kiisaskii ugu badnaa waayahaan ee xannuunka Coronavirus, guud ahaan waxaa la helay 399,006 (Saddex boqol, sagaashan & sagaal kun, iyo lex ruux), dhimashadu ayaa gaartay 6113, waddanka ugu badan ee kiisaska laga helay waa Mareykanka (US) oo laga diiwaangeliyay 66,129 Xaalado cusub ah & 874 Dhimasho ah.

India kama liidato oo waxaa baarista lagu helay 60,439 kiisas cusub ah & Geerida 835-ruux, halka Soomaaliya ay soo gashay booska 140-aad, waxaana ka hooseeya dalal kooban oo kamid ah kuwa lagu tiro Dowladaha dhaqaalaha & caafimaadkoodu wanaagsan yahay.

Like it? Share it!

Leave A Response