Hal Cirbad Oo Gaartay Qiimaheeda Lacag $50 Dollar Magaalo Ku Taalla Soomaliya

by admin | Wednesday, Aug 8, 2018 | 1055 views

Waa qiimo aad usareysa marka loo eego Cirbadaha la isku duro xitaa waddamada Hormaray Ee Caalamka.

Magaalada Jowhar ayaa waxay Caasimad u tahay Xarunta Maamul Gobolleedka HirShabelle,waxaana la sheegay in Cirbada Raabiyada Ah ay gaartay Qiimaheeda Lacag dhan $50 Dollarka Mareykanka.

Waxa Cirbadaasi loo adeegsadaa inay ka hortagto Cudurka ku dhaca Eeyga taasi oo maalmihii dambe dad cun Eeyo ah ay magaalada dad kala duwan ku dhaawaceen.

Ilaa 10 Qof ayaa la sheegay in ay Eeyaha qaniineen Xaafadaha Jowhar taasi oo ka dhigtay in Cirbada Raabiyada ah ay Lacag intaasi la eg gaarto qiimaheeda.

Wasaarada Caafimaadka Hirshabelle weli kama aysan hadlin Dhibta soo korortay iyo hujuumka Eeyaha soo qaadaan xilliyada Habeenkii ah.

Like it? Share it!

Leave A Response