Halkee Al shabaab ka helaan dhaqaalaha kaga baxa qaraxyada iyo weerarada ay fuliyaan?

by admin | Thursday, Apr 11, 2019 | 806 views

Dad badan oo Soomaaliyeed waxaan marnaba ka qarsooneyn in amniga magaalada Muqdisho uu muddooyinkii dambe sii xumaanayay xilli dowladda ay waday tallaabooyin ay kaga hortageyso qaraxyada.

Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo walba oo lagu xaqiijinayo amniga oo ay ka mid tahay in la xiro wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, balse wali waxaa muuqata in qaraxayada aysan joogsanin.

Su’aasha ugu badan ee muddooyinkii dambe dadku isweydiinayeen ayaa ahayd sida ay ku dhacday in qaraxyo ay ka dhacaan magaalada, iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka gala goobaha inta badan lala bartilmaameedsado weerarada, su’aashaasi oo madaxda dowladda Soomaaliya ay u waayeen wax jawaab ah.

Lacagtaas waxey ka helaan dhamaan shirkadaha isgaarsiinta, Wasiiradda, xildhibaanadda, Heer federaal ilaa Maamul goboleedyadda Gudoomiyaasha Degmooyinka Muqdisho oo dhamaantood canshuur siiya Al shabaab.

Balse maalin kahor ayaa agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed waxaa uu bartiisa Facebook-ga ku qoray in xarakada Al Shaabaab oo keliya aysan ka dambeyn qaraxyada ka dhaca dalka.

“Qaraxyada dalka ka dhaca, gaar ahaan Muqdisho, waxaa ku baxa dhaqaale fara badan. Tusaale, halkii gaari marka qiimaha lagu iibiyay lagu daro lacagta ku baxda walxaha qarxa ee lagu xiro gawaarida oo qaarkood dibadda laga soo dhoofiyo waxay qiyaastii u dhaxaysaa 80 ilaa 100 kun oo doolar. Xaggee Al Shabaab ka helaan lacagta intaas la eg ee maalin walba lagu xasuuqayo shacabka birimageydada ah?,” ayuu Cabdinuur ku qoray bartiisa Facebook-ga.

Cabdinuur ayaa sidoo kale sheegay in arrintan u baahantahay baaris qoto dheer oo ciddii lagu helo inay si toos ah iyo si dadban u caawisana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono

“Wiilashan yaryar ee maskaxda laga xaday mashruucan kali kuma aha. Dalalka iyo shakhsiyaadka Soomaalida iyo ajnabiga ah ee ku lug leh waa in cagta cagta loo saaraa,” ayuu raaciyay.

Su’aasha laga dheehan karo hadalka agaasime Cabdinuur ayaa ah bal in dowladda Soomaaliya ay heyso xog la xiriirta dadka kale ee Al Shabaab ku wehliya qaraxyada.

Hadalkaas ka soo yeeray dowladda ayaa waxaa saluugay siyaasiyiin dhowr ah oo sheegay in dowladda ay iska weecineyso mas’uuliyadda “fashilka” amniga.

“Fariimaha maalmahan madaxda dowladda ka soo baxay iyo xogta ay ajinabiga la wadaagayaan wuxuu ujeedkeedu yahay in dadka Muqdisho danbiilayaal laga dhigo. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo lagu eedayo in ay Al-shabaab yihiin, ganacsatada oo lagu eedeeyo maalgelinta qaraxyada Al-shabaab, shacabka oo wada shaqayn la’aan lagu eedeeyo, kuwii gargaarka degdega ah fidinayey oo lagu eedeeyo in lagu soo dhexdhuunto, iyo saxaafadda oo buunbuunin lagu eedeeyo.” Waxaa sidaasi bartiisa Facebook-ga ku qoray Cabdiraxmaan Cabdishakur oo ah hogaamiyaha xisbiga wadajir.

Xildhibaan Fiqi oo isna oo kala hadlay arrintan ayaa sheegay in aysan jirin cid aan Al Shabaab ahayn oo wax qarxisa.

“Dalkan qaraxyadiisa iyo dhibaatooyinkiisa oo dhan waxaa ka dambeeyay kooxdaas argagixisada, (Al Shabaab) waa wixi dhici jiray oo waxa keliya ee soo cusboonaaday ayaa ah in dowladda ay gacanta ka taagtay oo Al shabaab ay u quuri weyday in eeda dusha laga saaro,” ayuu Fiqi yiri

Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda haddii ay heyso caddeymo arrintaasi ku aadan looga fadhiyo inay soo bandhigto.

“Ma ahan in ummadda Soomaaliyeed la marin habaabiyo, way dhici kartaa in dowlado qaar oo kuwa dariska ay ka mid yihiin aysan rabin in Soomaaliya ay xasilooni ka dhacdo oo si uun ugu sahlaan dhaqdhaqaaqa iyo meelaha ay wax ka soo gashanayaan, laakin biraha, baabuurta waxay ka soo degaan dekedda magaalada Muqdisho,” ayuu raaciyay xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay iska weecineyso mas’uliyadda ka saaran ammaanka.

Dad badan waxay ku doodaan in daryeel la’anta ciidammada dowladda, oo ay kamid tahay mushaar la’aan muddooyinkii dambe ciidammada qaar ay ka cabanayeen, ay qeyb ka tahay a

Cabdiraxmaan Sahal oo ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa sheegay in inkastoo arrimo dowladda ay ka dhawaajisay aanan caddeyn muuqato loo heyn, ay hadana jiraan arrimo si dadban uga qeyb qaata qaraxyada Muqdisho.

“Canshuurta iyo dhaqaalaha ay Al Shabaab ka qaado qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida loo adeegsado qaraxyada, taasi oo keentay in ganacsatada aysan lahayn awood ay ku diidaan amarrada Al Shabaab, ayna sidoo kale jirin dowlad xoreysa deegaanadaasi, ganacsatadana aysan ku qanacsaneyn in dowladda ay sugi karto amnigooda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal oo ka faallooda arrimaha ammaanka.

Waxaa kale oo uu sheegay in haddii aanan horumar laga sameynin dib u heshisiinta beelaha ay arrintan sii soconeysa, waxaana uu intaa raaciyay in argoosiga iyo kala aragti duwanashaha siyaasiyiinta qaar ay qeyb ka tahay amni darrida Muqdisho.

Inkastoo qaraxyada ugu badan ay mas’uuliyadooda sheegato xarakada Al Shabaab ayaa hadana waxaan marnaba shaki ku jirin in shacabka ay dowladda Soomaaliya marwalba uga fadhiyaan in ay wax ka qabato khatarta Al Shabaab iyo inay soo bandhigto dadka ay sheegtay in Al Shabaab ay ku wehliyaan qaraxyada.

Like it? Share it!

Leave A Response