Halkee ku danbeysay lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay Garoonka Muqdisho..?

by admin | Monday, Apr 9, 2018 | 959 views

Kadib markii la fasaxay diyaaradii siday lacag fara badan oo galabta lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuna socotay Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan halka ay ku danbeysay lacagtaasi.
Saraakiil ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey inay lacagtaasi ku wareejiyeen Bankiga Dhexe iyadoo halkaasi lagu hubin doono halka ay ku socotay, cadadkeeda iyo xaqiiqada ku saabsan shixnadaasi lacageed.

Safaaradda Imaaraadka ayaa la timid warqad qoraal ah oo uu keenista lacagta ugu fasaxayo Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, iyadoo qeyb ka mida loogu talogalay ciidamada Imaaraadka gacanta ku hayo ee ka howlgala Muqdisho iyo Puntland.

Cadadka lacagta ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan iyadoo lagu sheegay 9.5 Milyan oo Doolar ilaa 17 Milyan, waxaan wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in lacagtaasi la heyn doono dhowr maalmood.
Waxaa jirta cabsi ku saabsan in Imaaraadku lacagtan u adeegsato qaab siyaasadeed xilli ay xiisad weyn ka dhex jirto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response