Halkuu ku danbeeya Askarii Kismaayo ku dilay Xaaskiisa,Xaaladiisa Caafimaad & Mowqifka J/land?

by admin | Sunday, Apr 22, 2018 | 887 views

Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland Maxamed Cabdinaasir Guuleed oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan C/laahi Asad Ismaaciil oo dhawaan Xaaskiisa oo lagu Magacaabi jiray Muxibo Maxamed Guure ku dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ugu horreyn Taliyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu baxsaday eedeysane C/laahi Asad Ismaaciil oo ah Askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland.
Balse waxa uu xaqiijiyay in Gacanta uu ku jiro Askarigaasi oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka ilaalada madaxtooyada maamulkaasi.
Waxaana uu xusay taliyaha Ciidamada Booliska Jubbaland in si deg deg ah Maxkamad la soo taagi doono Askarigaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response