Halkuu ku danbeeyaa balanqaadkii Wasiirka Amniga ee ahaa inuu iscasili doono Haddii aan..?

by admin | Monday, Jul 16, 2018 | 1092 views

Xilli falal amni darro oo ay ka mid yihiin Qaraxyo ay weli ka dhacayaan Magaalada Muqdisho islamarkaana Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn u adkeeyeen ammaanka Kontaroolada ay ku leeyihiin Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa dad badan ay isweydiinayaan meesha uu ka dambeeyay hadal uu horay u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Ducaale Islow ee ahaa in weerarada dhaca ee waxyeeleeya dadka Soomaaliyeed aan la isaga hari doonin , dad badana ay xabsi u gali doonaan , haddii kale uu iska casili doono xilkiisa.

Hadalkaas ayuu jeediyay Wasiir Maxamed Abuukar Ducaale Islow xilli dhalinyaro Soomaaliyeed lagu dilay weerar  maalin cad ka dhacay degmada Xamar Weyne islamarkaana dableyda falkaas geystay ay isaga baxsadeen meesha  wax ka dhaceen.

Waxaana weerarkaas kadib dhacay falal dilal , Qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo Amni isugu jira kuwaas oo aanu muuqan tallaabo wax ku ool ah Wasiirka Wasaaradda Amnigu uu qaaday.

Walow dowladda u muuqato mid , waqti Ciidan iyo dhaqaalabo u hurtay sugida Amniga hadana waxaa muuqata habacsanaan xoogan oo ka jirta Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marka loo eego Goobaha Istiraatiijiga ah ee weeraradu ka dhacayaan sidaas daraadeed ayaa dad badan u dheg taagayaan tallaabada xigta ee dowladdu ka qaadan doonto arrimaha Amniga iyo Wasaaradda ku shaqada leh intaba.

Like it? Share it!

Leave A Response