Machadka Heritage oo warbixin ka soo saaray Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada 

by admin | Sunday, Oct 7, 2018 | 968 views

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin ka soo saaray khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada oo xilligan gaaray heerkii ugu xumaa ee sababay inuu hakad galo wada shaqeyntii labada dhinac.

Warbixinta Machadka Heritage soo saartay oo ka kooban illaa 8 Bog ayaa looga hadlay xalka khilaafka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada iyo heerarka uu soo maray.

Machadka ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhexda ugu jirto khilaaf siyaasadeed oo khatar ah, kaasoo keeni kara inay kala daataan guulihii ballaarnaa ee laga gaaray nabadeynta iyo qaran dhisida tan iyo sanadkii 2012.

Machadka ayaa soo jeediyay tallooyin iyo aragti kala duwan oo lagu xalin karo khilaafka, iyagoo sheegay wada hadalka uu yahay wadiiqada kaliya ee ugu dhow in heshiis looga gaaro xasillooni darada siyaasadeed ee hadda taagan

Halkan hoose ka akhriso Warbixinta.

Xal Ayuu Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada

Like it? Share it!

Leave A Response