Halyayga Reer Brazil Roberto Carlos Oo Ka Warbixiyay Dareenkiisa Ku Aadan Inuu Noqdo Tababaraha Cusub Ee Real Madrid, Kadib Bixitaanka Zidane.

by admin | Saturday, Jun 9, 2018 | 1510 views

Halyayga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Roberto Carlos ayaa isku sharaxay inuu noqdo badalka macalinka reer France ee Zinedine Zidane kaasoo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay shaqada tababarenimo ee kooxda, kadib markii uu Los Blancos kula guuleestay markii saddexaad xidhiidh ah tartanka UEFA Champions League.

Difaacii hore kooxda Real Madrid Roberto Carlos ayaa sheegay in go’aanka Zinedine Zidane ay ku noqotay mid layaab ah, balse marka dhinaca kale loo fiiriyo in ay tahay xiliga ku haboonaa Zidane uu heli lahaa nasiino kadib shaqadii adkeed uu kasoo qabtay Los Blancos sanooyinkii lasoo dhaafay.

Hadaba difaacii hore xulka qaranka Brazil Roberto Carlos oo arintan ka  hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inay tahay waqtigii Zidane uu ku qaadan lahaa nasasho, waa inaad u mahad celisaan waxa uu u sameyay dartood kooxda, ciyaartoyda iyo jamaahiirta”

Intaas kadib Roberto Carlos ayaa la weydiiyay dareenkiisa ku aadan inuu doonayo inuu noqdo badalka Zinedine Zidane si uu tababare ugu noqdo Real Madrid wuxuuna yiri: “Waxaan doonayaa inaan la hadlo madaxweynaha, weli ma ogi”.

Si kastaba Real Madrid waxay wali raadineysaa tababar macquul ah, ee kalsooni ku beeri kara ciyaartoyda, islamarkaana si wanaagsan u maareeyn kara qolka labiska, si la mid ah Zinedine Zidane oo ku guuleestay xiligii uu macalinka kooxda ka ahaa inuu sidaas sameeyo.

Antonio Conte ayaa ka mid ah macalimiinta ugu cad cad ee la filayo inay noqon karaan badalka Zinedine Zidane, wuxuuna madaxeynaga kooxda Florentino Perez doonayaa inuu helo macalin ku wanaagsan sidoo kale tartamada gudaha, kadib markii ay Los Blancos ay u lumisay Barcelona loolanka La Liga 7 jeer mudada 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Like it? Share it!

Leave A Response