Hanaanka doorashada wadarta ee xildhibaanada Soomaaliya ee 2020-ka

by admin | Tuesday, Oct 1, 2019 | 700 views

Shacabka Soomaaliyed dal iyo dibadba waxaa murug iyo walbahaar ku haya maqnaanshaha qorshe ku habboon xilliga kala-guurka 2020, islamarkaana fursad usiiya in ay codkooda siiyaan Xisbiga ay u arkayaan in uu ka jawaabayo baahiyahooda, waxaana jirta kala duwanaansho aragtiyaha siyaasadda ee ka dhaxeysa dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe ee federaalka, iyadoo lawada ogsoon yahay duruufaha siyaasaddeed, amni, iyo dhaqaaleba, waxaa waajib dastuuri ah in lahelo shuruucda qeexeysa nimaadka kala-guurka xilliyada inta aysan dhammaan muddo-xilleedka hoggaanka talada haya.

Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in bulsho weynta Soomaaliyed iyo daneeyeyaasha arrimaha siyaasadda Soomaaliya in ay dul-istaagaan qormadan kooban ee aan ku tilmaamayno qorshaha ku habboon xilliga kala-guurka 2020-ka, annagoo kawarhayna caqabadaha geedi-socodka qaran-dhiska dalka iyo wacyiga siyaasadda dalka, waxaan halkan ku gudanaynaa waajibaadka naga saaran ilaalinta jiritaanka qarannimada dalka, waxaan soo jeedinaynaa, habka ugu fudud ee ku habboon ee looga gudbi karo HALISTA kala-guurka 2020-ka ee foodda nagu soo haysa.

Nidaamka Matalaadda Wadarta Isu-dheellitiran ee liiska D/Gobolleedyada Xiran.

Habka doorashada ee loogu magac-daray (Propotional Represention Closed-List State-Constituency. (PR CL SC) ama Nidaamka Matalaadda Wadarta Isu-dheellitiran ee liiska Dowlad Gobolleedyada xiran,. hannaankan ayaa macnihiisu yahay in waddanka oo dhan laga dhigo 7 deegaan doorasho oo kala ah, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Puntland, Somaliland iyo Gobolka Banaadir, (7 State – Constituency) taas oo ka dhigan in deegaan doorashooyinka dalka ay noqonayaan wadar kala xiran, deegaan walba ee loo qoondeeyo in ka badan hal kursi, ayaa noqonaysa deegaan doorasho ay xisbiyadu ku tartamayaan.Dadka isu diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan si ay u doortaan Xisbiga ay doonaan, Nidaamka (PR CL SC) qofka cod bixiyaha ah ma dooranayo Musharax ee wuxuu dooranayaa Xisbi kaliya, waxaa kaloo Xisbiyada laga doonayaa in ay soo gudbiyaan xafiiska doorashada Dowlad Gobolleedyada liiska Musharaxiinta Xildhibaannada Federaalka Xisbiga oo ay ku dhan yihiin saami-qaybsiga beelaha ku dhaqan deegaan doorashada (Dowlad Gobolleedka) ay ka tartamayaan, islamarkaana ilaalinaya qoondada 30% ee dumarka ay ku leeyihiin matalaadda.

Dowlad Gobolleedyada ayaa samaynaya xafiiska doorashada Federaalka ee dowlad gobolleedyada, iyagoo kaashanaya Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, GMDQ iyo Xafiiska doorashada Federaalka ee Dowlad gobolleedyada ayaa si wada jir ah u maamulaya hannaanka doorashada Federaalka ee ka dhacaysa dowlad gobolleedyada, Xisbiyada doonaya in ay ka qaybgalaan doorashada Federaalka ee lagu qabanayo dowlad gobolleedyada, ayaa iska diiwaangalinaya xafiiska doorashada Federaalka ee deegaannada dowlad goboleedyada, islamarkaana buuxinaya shuruudaha diiwaangalinta Xisbiyada D/Gobolleedyada, guddiga Doorashada D/G iyo GMDQ ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada dowlad gobolleedyada u diyaarinayaa in ay ka qaybgalaan doorashada federaalka ah ee ka qabsoomeysa deegaannadooda waxaana la diiwaangalinayaa dhammaan shacabka ku dhaqan goobaha ay suurtagal ka tahay in ay ka qabsoonto doorashada federaalka ah ee ka midka ah deegaannada dowlad . goboleedyada, sida qaadashada kaararka codbixinta, barashada habka codbixinta, fahamka waraaqaha codbixinta iyo dhowrista anshaxa safka codbixinta.

FG: Qorshaha wacyigalinta & diyaargarowga AMNIGA doorashooyinka Federaalka ee D/Gobolleedyada waxaa siwadajir ah u samaynaya D/Gobolleedyada iyo GMDQ.

Marka dowlad gobolleed walba oo ay doorashada dhacdo oo dadka codadkooda dhiibtaan, waxaa la xisaabinayaan guud ahaan tirada codadka dadku dhiibteen ee ansaxay inta ay noqoto, Xisbi walba codadka uu helay waxaa laga doonayaa in ay gaaraan codad ka kabadan (threshold) 7% guud ahaan tirada codadka ay dadku dhiibteen si ay uga mid noqdaan Xisbayada ka qaybgalaysa saami qaybsiga xubnaha Baarlamaanka Federaalka dowlad- gobolleed walba, tirada deegaan doorashada wadarta ah ee dalka waxaa ay noqonaysaa 7 dowlad-gobolleed ee dalka oo kala xiran isla markaana midkiiba lagu tartamayo tirada kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee halkaas taalla.

 

Dowlad gobolleedka Galmudug 36 Kursi (Xildh Federal) iyo 8 Senator (Aqalka sarre) kooban beelaha dega Galmudug si dheelitiran, waxaa tusaale ahaan ku tartamay doorashada 7 Xisbi ee buuxiyay shuruudaha ka qayb qaadashada doorashada Galmudug (bixinta qidmada diiwaangalinta iyo isku-dheellitirnaanta liiska musharaxiinta Xildhibaanada beelaha Galmudug) tirada dadka dhiibatay codka guud ahaan Galmudug waxaa ay noqotay 90,000 cod, Xisbiyada guuleystay waxaa ay noqdeen 5 Xisbi, waxaana Doorashada looga adkaaday 2 xisbi ee aanan helin codad ku filan oo udhigma 7% codadka guud ee 90,000 codka ah ee reer Galmudug dhiibteen.

Habka loogu baddelo codadka 5-ta Xisbi ay heleen tiro u dhiganta kuraasta Baarlamaanka ay ku guuleysteen ayaa ah, in dhammaan codadka guud oo ay dadku dhiibteen ee ansaxay lagu salleeyo qoondada tirada kuraasta ee Xisbi walba uu helayo ayaa u dhiganta tirada codadka Xisbi walbaa helay, iyadoo lagu jaan-goynayo habka saamiga qaybsiga loogu magac daray (Sainte Lague) tirinta codka ayaa lagu kala saarayaa xisbiyada guuleystay codad ka badan 7% iyo xisbiyada heli waayay tirada codadkooda 7% ee ka haray saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Federaalka.

Marka aan isticmaalno habka xisaabta qaybinta kuraasta ee Saint Lague waxaa 7-da Xisbi ee ku tartamay doorashada Galmudug ku soo guuleystay 5-ta Xisbi ee helay in kabadan 7% codadka guud, waxaana ka haray doorashada 2-da Xisbi ee helay (4,815+4,815 = 9,630) cod kana yar 7% ayaanan ka qaybgaleyn saami qaybsiga kuraasta Xubnaha Baarlamaanka, qaabka qaybinta saamiga Xubnaha wuxuu noqonaya habka (Sainte Lague) ee tirada kisiga tixan ah ayaa loo qaybinayaa codadka (90,000-9,630) = 80,370 cod ee 5-ta Xisbi guuleystay ayaa loogu qaybinayaa saami u dhiganta codadka ay ka heleen 36-ka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka iyo 8 Xubin ee Aqalka Sarre ee Galmudug ka imaanaysa, kuraasta ay saami ahaan u kala helayaan Xisbi walbaa ayaa noqonaysa sida hoos ku qoran, Xisbi walba magacyada ku qoran 2 liis (Liiska Xildhibaannada iyo Liiska Senoterada) uu la yimid ayaa noqonaya Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, tirada kuraasta ay Xisbiyadu ku guuleysteen waxaa laga bilaabayaa tirada 1-aad ee liiska illaa laga gaaro 36-aad ee tixda Musharaxiinta Xildhibaannada iyo liiska Senoterada 1,aad ilaa 8,aad oo kala ah liiska xubnaha Baarlamaanka iyo Aqalka Sarre ee deegaankaas loo cayimay, haddii Xisbi uu helaa 4 kursi oo kaliya waxaa lasiinayaa 4-taas kursi 4-ta qof ee ugu horreysa liiska Xisbigu soo gudbiyay ka hor inta aysan dhicin tartanka doorashada.

(habka xisasbts ee jaan-goynta saami qaybsiga ku salaysan Sainte Lague ma noqonayo boqolleyda rasmiga ah ee fadhiya, waxana rajaynaynaa in qoraallo kale aan ku sharaxno)

Gobollada Waqooyi (Somaliland)

Shacabka kunool Gobollada Waqooyi waxaa ay iyana xaq u leeyihiin in ay doortaan Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ku matalaya in doortaan si lamid ah bulshada Soomaaliyed ee ku dhaqan deegaannada Dowladda Federaalka kataliso, iyadoo lawada ogsoon yahay xaqiiqda ka jirta Gobollada Waqooyi ayna suurtagal ka ahayn in lagu qabto doorasho federaal ah oo weliba raali ka yihiin maamulka u dhisan Gobolladaas, waxaa laga maarmaan ah in la helo xal kumeel gaar ah isla markaana fursad u siinaya siyaasiyiinta doonaysa in ay u tartamaan xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliland.

Gunaanad

Soomaaliya waxaa doorasho qof iyo cod ah ugu dambeysay sanaddii 1968-dii, waana muddo laga joogo 51 sannadood, waxaa kaloo xusid mudan in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin dhalinyaro badankooda dhalatay wixi kadanbeeyay sideetameeyadii islamarkaana aanan weligood fursad ay uga qaybgalaan doorasho dalka ka dhacdo, iyo nidaam dowli fadhiya oo ay ka helaan qibrad dhaxalgal u noqota.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in lagu baraarugo fahamka iyo barashada shuruucda aas aaska u ah dhismaha qarannimada oo ay ugu horreyso sharciga doorashooyinka, si loo helo garaad ku mideysan yagleelidda ha’adaha dastuuriga ah isla markaana loo maray wado dimoqraaddi ah si bulsho weynta Soomaaliyeed ay u hesho faham dhammeystiran kuna dhisan ku dhaqanka shuruucda dalkeenna u taalla, waxaan soo jiidinaynaa isla markaana ku adkeynaynaa siyaasiyiinta u dhuun-duleesha arrimaha siyaasadda qaranka ee doonaysa in ay ka mid noqoshadaan maamulada dalka ka jira illaa heer qaran in ay si taxadar leh u darsaan shuruucda aas-aaska u ah dhismaha qaran dimoqraaddi ah oo bulshada Soomaaliyeed mahadiso isla markaana u siman tahay talada dalkeeda.

Sidaas darraadeed waxaan go’aansannay in aan halkan kusoo bandhigno Nidaamka Matalaadda Wadarta Isu-dheellitiran ee liiska Dowlad Gobolleedyada xiran, (Propotional Represention Closed-List State-Constituency) nidaamkan oo noqon kara bilawga hanaanka dimoqraadiyeynta Dowlad Gobolleedyada ee gundhiga u ah Federaalleynta dalka, si loo helo xal caqabadaha ku gaadaaman ismariwaaga siyaasaddaha isdiidan ee u dhaxeysa Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda dhexe ee dalka, isla markaana u noqda heshiis siyaasaddeed kuboon xilliga kala-guurka 2020-ka, Waddankana u horseeda deganaansho siyaasadeed iyo hannaan ku yimid wadar-ogol iyo isla-guddoomin geeddi socodka kala-guurka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response