Harry Kane Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Wararka Sheegaya Inuu U Baahan Yahay Nasasho

by admin | Sunday, Oct 14, 2018 | 995 views

Weeraryahanka xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa meesha ka saaray inuu u baahan yahay waqti nasasho ah oo uu ka galo ciyaaraha caalamiga ah, xilli ay kusoo fool leedahay ciyaarta aadka loo sugayo ee ay Isniinta iskaga hor iman doonaan waddanka Spain.

25 jirkan ayaa lix gool oo kaliya u dhaliyey 16-kii kulan ee u dambeeyey  naadigiisa Tottenham iyo xulka qarankaba, waxaana goolkiisii ugu dambeeyey ee uu u saxeexay England uu ahaa Koobkii Adduunka ee xagaagii lagu qabtay Ruushka oo uu ku hantiyey kabta dahhabka ah.

Xili ciyaareedkan, waxa uu Kane u saftay Tottenham iyo xulka marka la isku daro intii ka dambaysay Koobka Adduunka 13 ciyaarood, waxaana ay khubarada ciyaaruhu ku doodeen inuu u baahan yahay waqti uu ku nasto oo uu fasax ka galo, taas oo ahayd in ciyaaraha caalamiga ah uu ka baxo muddo kooban.

Haddaba Kane oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in inkasta oo ciyaarihii Koobka Adduunku ay ahaayeen kuwo adag oo nasasho la’aan ah, aanu haddana xilligan u baahnayn nasasho, waxaanu yidhi: “Way adkayd xilligii Koobka Adduunka, sababtoo nasasho badan ma jirin, laakiin waan la qabsaday. Waxaan ku jiray xaalad taam ahaansho iyo caafimaad qab ah, ahmiyaddayda ugu weyn ee aan xili ciyaareedkan ku bilaabayna taas ayay ahayd. Hadda waxa aan dhisayaa sidii aan hore ugu socon lahaa illaa jiilaalka, mana filayo in ciyaartaydu hoos u dhacday”

Harry Kane ayaa ahaa ciyaartoygii ugu goolasha badnaa Koobkii Adduunka ee uu kabta dahabka ah ka qaatay, waxaana uu laba gool ka dhaliyey Tunisia, ka hor intii aanu Panama saddexley ku suuxinin, halka uu midka lixaadna ka dhaliiyey Colombia, hase yeeshee waxa uu shabaqa gaadhi kari waayey saddexdii kulan ee xigay ee Sweden, Croatia iyo ciyaartii kaalinta saddexaad ay ugu tartamayeen ee Belgium.

Mar la weydiiyey in haddii uu gool dhalin waayo kulanka Spain ay u noqon doonto abaartiisii ugu dheeerayd ee goolal la’aan ah, waxa uu yidhi: “Diiradda waxa aan ku hayaa shaqadayda oo aan doonayo inaan qabsado. Horyaalka Premier League waxaan ahay ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badan, waxaanan jeclaan lahaa inaan goolal badan u dhaliyo England, diyaar ayaanan u ahay ciyaarta Isniinta.”

Xulka qaranka Spain ayaa martigelin doona England kulan saaxiibtinimo oo la filayo inay isku tijaabiyaan labada qaran.

Like it? Share it!

Leave A Response