Haweenay Soomaali ah oo ku jirta dadkii abaabulay weerarkii Nairobi

by admin | Sunday, Jan 20, 2019 | 835 views

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay Haweenay Soomaali ah in ay ka qeyb ka aheyd dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Desit2 ee Magaalada Nairobi todobaadkii lasoo dhaafay.

Ciidanka Kenya ayaa gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ka bilaabay dadaallo la doonaayo in lagu soo qabto Maryan Cabdi oo la sheegay in ay bixisay hubkii lagu weeraray Hoteelka.

Maryan ayaa Ciidanka Booliska Kenya waxa ay sheegeen in hubka iyo Qaraxyadda ay ka qaaday Gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay geeysay Magaalada Nairobi oo ay ku sugnaayeen Kooxda Weerarka qaaday.

Haweyneydaan ayaa wali gacanta lagu dhigin, waxaana wali socda howlgal ballaaran oo lagu soo qabanaayo, Maadaama la aaminsan yahay in ay ku sugan tahay gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka ay degto Soomaalidu.

Like it? Share it!

Leave A Response