Hay’ad caalami ah oo DF ku eedeysay musuq-maasuq{AKHRISO}

by admin | Thursday, Jul 9, 2020 | 424 views

Hay’adda caalamiga ah ee Caritas ayaa warbixin ay soo saartay waxay uga hadashay gargaarkii Somalia loogu deeqay ee ka hortaga cudurka COVID-19, kaasoo lagu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Caritas ee Somalia Sara Ben Rach ayaa sheegtay in xarumaha caafimaad ee dowladda sida isbitaalka Martiini iyo goobaha kale laga xaday agab caafimaad oo loogu deeqay, kuwaasii loogu talagalay in shacabka la gaarsiiyo, waxayna niyad xumo ka muujisay hab dhaqanka foosha xun ee lagu masuqmaasuqay qalabka caafimaad ee loogu talagalay COVID-19.

“Agab caafimaad ayaa laga xaday isbitaallada dawladda, kadibna markii dambe lagu arkay dukaamada iyo suuqyada sida ay baahiyeen warbaahinta”  sidaasi waxaa xarunta wararka ee Katooliga u sheegtay Sara Ben Rach.

Sara Ben ayaa intaa raacisay in ay horay usia wadayaan gargaarka bini’aadanimo si la mid ah hay’adda Katitas iyo Caritas oo ay ku caawinayaan Somalia mashaariic badan inta lagu guda jiro aafada cudurka Corona.

Waxay sheegtay hay’addaani in dad badan oo Soomaaliyeed aysan ixtiraamin wacyigelinta iyo talooyinka caafimaad , iyagoo aanan xeran maaskaraha iyo kala fogaanshaha oo aysan sameyn.

“Dalka waa kala qaybsan yahay, tijaabooyinka lagu ogaanayo qofka viruska kama dhacaan gobollada oo dhan”, ayay tiri, iyada oo xustay in aagagga ay ka taliyaan al-Shabab tijaabooyinka laga sameyn, taas badalkeedna ay u hanjabaan shaqaalaha caafimaad ee gargaarka gaarsiiya dadka ildaran.

Bishii Luulyo 7-deedii, Soomaaliya in ka badan 3000 kiis ayaa la xaqiijiyey oo ah COVID-19 halka dhawaad ​​100 ay u dhimatey.

Caritas waa hay’ad diimeed ku xeran Katoliga, Somaliyana waxay xubin rasmi ah ka noqotay Caritas Internationalis sanadkii 1983. Tan iyo waagaas hay’addu waxaa ay u aqoonsatay wasaarada arimaha gudaha ee Soomaaliya inay tahay “urur maxalli ah” oo ka shaqeeya caawinta dadka saboolka ah iyo sidii loo gaari lahaa mashaariic horumarineed. Caritas Somalia waxay wax ka qabataa musiibooyinka sida abaaraha, macaluusha iyo arrimaha kale ee gargaarka.

Like it? Share it!

Leave A Response