Hirshabeelle: Wiil 17; jir ah oo loo magacaabay Guddoomiye ku xigeen Degmo

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1111 views

Wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay wiil 17 jir ah u magacawday Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Faysal Cabdullahu Cumar,waa wiilka loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Degmada Gamboole,wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal ayuu kaga hadlay xilka loo magacaabay,sida ay ku soo gaartay magacaabista iyo sida uu u arko.
Faysal waxaa uu sheegay in Waalidkiis ay u keeneen Warqadda Magacaabidda Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gamboole,waxaana uu sheegay in uusan xilkaas qaban karin.

Faysal oo dhinta fasalka 4aad ee Dugsiga Sare waxaa uu hadda isu diyaarinayaa Imtixaanka Guud ee Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee Magaalada Jowhar oo uu ku noolyahay.
Wareysiga waxaa uu ku sheegay in arrimo amaan darteed uusan qaban karin xilkaas,sidoo kalena Wasiirka uusan wargelin isaga oo sheegay in warqadda uu Wasiirka u dhiibay waalidkiis sidaasna ay ku soo gaartay.

Like it? Share it!

Leave A Response