Hoggaamiyaha Iran oo eedeyn kulul u jeediyayay Yurub

by admin | Friday, Jul 31, 2020 | 473 views

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Yurub ay ku guul darreysatay inay badbaadiso heshiiska caalamiga ah ee nukliyeerka ka dib markii Washington ay ka baxday.

Wuxuu ku eedeeyay Yurub inay sameynayaan “balanqaadyo qarsoon” oo wax yeeleeya dhaqaalaha Iran. Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa doonayey inay sii wadaan heshiiska kaas oo ahaa in lagu xakameeyo himilada nukliyeerka ee Tehran.

Laakiin Madaxweyne Trump – oo dhaleeceeyey heshiiska – ayaa Mareykanka ka saaray laba sano ka hor, ka dibna wuxuu soo rogay cunaqabateyn ballaaran oo looga golleeyahay inuu ku qasbo Iran inay dib ula xaajooto.

Like it? Share it!

Leave A Response