Faah faahin:- Dilka ka dhacay Magaalada Kismaayo

by admin | Monday, Oct 26, 2020 | 360 views

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Maanta lagu dilay mid kamid ah Ganacsatada ugu caansan degaannada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo, iyadad oo dadkii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag ku hubeysan bustoolado ay Xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo ku dileen Maamulihii Shirkadda Xawaalada Amal ee Kismaayo oo lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdisalaan (Shig-Shigoow) , xilli uu kasoo baxay Masjid uu ku dukaday Salaaddii Duhur.

Ciidamo ka tirsan booliska Magaalada Kismaayo ayaa tegay halka uu diulka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baaid goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Laamaha Amniga Magaalada Kismaayo weli wax faah faahin ah kama bixin dilka loo geystay Maamulihii Shirkadda Xawaalada Amal ee Kismaayo, hayeeshee waxaa la filayaa inay ka hadlaan.

Like it? Share it!

Leave A Response