Hoobiyeyaal ku dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir

by admin | Sunday, Jul 1, 2018 | 941 views

Waxaa Degmada Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir ku   dhacay tiro Hoobiyeyaal ah,

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyaasha ayaa kusoo dhacay Xaafadaha ka agdhow Xerradda Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar.

Ilaa iyo Saddex Hoobiye ayaa la xaqiijiyay in ay kusoo dhaceen qeybo ka mid ah Xaafadda Xalane ee degmada Wadajir.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhaawacantay Hoobiyeyaasha sidda ay  xaqiijiyeen dadka degaanka.

la  soco wixii soo kordha

Like it? Share it!

Leave A Response