HORDHAC: Iran Vs. Portugal – Kulanka Dhimashada Ee Maanta

by admin | Monday, Jun 25, 2018 | 1103 views

Kulanka ugu adage e koobka aduunka waxa uu dhexmari doona maanta Iran iyo Portugal.

Labada tii badisay, haddii ay Spain badiso ayaa bixi doona.

Iran saddex dhibcood ayey leedahay halka Portugal ay afar haysato.

Haddii Spain ka adkaato Morocco oo hartay waxa ay tegi doontaa 7 dhibcood, halka tii badisau kulanka ay midna 7 tegi doonto –Portugal midna 6 -Iran

 

Iran

-Iran nasiib darro ayaa u diiday in ay dhibic ka helaan kulankii labaad ee ay Spain la dheeleen – waxa ay ku guuldarreysteen 1-0

– Alireza Jahanbakhsh oo kaydka fadhiyey kulankii La Roja waa taam hadda

– Omid Ebrahimi waa taam isna

– Roozbeh Cheshmi in uu maqnaado ayaa la filayaa

Portugal

– Raphael Guerreiro  aad ayuu u dhibtooday kulankii Morocco laakiin waxaa la qabaa in uu booskiisa xejisan doono

– Bruno Fernandes and Joao Mario  garabka biddix ee duullaanka ayey ku loolamaan

-Cristiano oo afarta gool ee Portugal tartankan dhaliyey ayaa hoggaamin doona weerarkooda

RAADRAAC

-Portugal 9 ka mida 10kii kulan ee koobka aduunka ugu dambeeyey wey badisay

SAFAFKA LA  FILI KARO

Gegida: Mordovia Arena

Like it? Share it!

Leave A Response