Howlgal ka dhan ah Ergooyinka u tagay Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Hiiraan.

by admin | Sunday, Aug 25, 2019 | 521 views

Magaalada Baladweyne iyo deegaanada kale ee Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda.

Ciidamada waxa ay heystaan amar kasoo baxay Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida qaybta 27-aad ee ka howlgala Gobolka Hiiraan.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 27-aad Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in ay xireen qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka ee tagay deegaanada Galmudug.

Xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu ku hanjabay in ay gacanta ku dhigi doonaan Ergada soo xushay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee tagay Deegaanada ay ku sugan yihiin.

Maxamed Cabdulqaadir Maxamed Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada qaybta 27-aad oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay hayaan Cod, Odoyaasha oo Al-Shabaab u sheegaya in ay diyaar u yihiin fulinta waxwaliba oo ay ugu baahdan, sida uu hadalka u dhigay.

Waa uu sii hadlay, waxa uu sheegay in Ergada ay hayaan ay hor geynayaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Maamulada Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug waxa ay horay ugu digeen Ergada soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay tagaan Deegaanada Al-Shabaab oo loogu yeeray.

Like it? Share it!

Leave A Response