HOWLGAL KA SOCDA BELEDWEYNE KADIB DIL XALAY KA DHACAY

by admin | Wednesday, Sep 19, 2018 | 903 views

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa howlgal ka wada Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa uu daba socdaa dil xalay loo geystay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowladda kaas oo koox hubeysan toogteen.

Saraakiisha Ciidanka isku dhafka ah ee Beledweyne ayaa sheegay in kooxdii xalay dilka geysatay ay baxsatay laakiin ay dad u badan dhallinyaro ku qab qabteen howlgalka kuwaas oo uu baaritaan ku socdo.

Sarkaalka xalay la dilay ayaa lagu magacaabayay Muumin Xasan,waxaana koox hubeysan ay ku dileen Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Beledweyne.

Dilkan kii ka horreeyay waxaa labo bil ka hor Beledweyne loogu geystay Cabdi Cali Gareen oo ka mid ahaa Ergada soo dooratay Xildhibaannada Labada aqal ee Federaalka ku matalaya Maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka isku dhafka ah ee ka howlgala Beledweyne  Carab Yuusuf Nuur,ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ay sii wadayaan howlgalka lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Beledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response