Howlgal looga dhawaaqay gobolka Hiiraan

by admin | Tuesday, Apr 9, 2019 | 771 views

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin muxumed Taakooy oo warbahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in maalmihii lasoo dhaafay ay howlgallo ka waddeen degaano ka mid ah gobolka Hiiraan,islamarkaana ay ahaayeen kuwo lagula dagaallamayay Al-Shabaab.

 

Like it? Share it!

Leave A Response