Howlgallo dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho & duleedkeeda

by admin | Thursday, Dec 8, 2022 | 239 views

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa howlgallo kala gooni gooni ah oo dad farabadan lagu qabqabtay ka sameeyay xaafado katirsa Magaalada muqdisho iyo duleedkeeda.

Howlgalka 1aad ayaa waxaa Ciidamada Booliska qeybta Waliyow-cadde waxaa ay ka sameeyeen xaafado qaar ee degmada Hodan, iyada oo howlgalka uu qeyb ka ahaa guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir, waxaana howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Gudoomiyaha degmada Hodan ayaa sheegay in ay u kuurgalayeen xaaladda Amni iyo mida nadaafadeed ee degmada Hodan, sidoo kalena uu kormeeray Baraha koontorool ee yaalla degmadaas, isaga oo Ciidamada ugu baaqay in dadka Shacabka ay socodka u fududeeyaan meelaha qaarkood.

Dhinaca kale Ciidmada Nabadsugida oo kaashanayay Maamulka degaanka Garas-baaleey ayaa howlgal ka sameeyay xaafado katirsan degaankaas, iyada oo holwgalka inta uu socday lagu soo qab qabtay dad badan oo qaarkood la siidaayay halka kuwo kale baaritaan uu ku socdo.

Guddoomiyaha degaanka Garas-baaley Nuur Xasan Cali oo Warbahinta la hadlay ayaa dadka shacabka ah ka codsaday in ay la shaqeeyaan Maamulka si amniga loo xaqiijiyo, sidoo kkalena howlgallada ay nqon doonaan kuwo sii socda.

Like it? Share it!

Leave A Response