Howlgallo ka socda Beledweyne ka dib Nabadoon lagu dilay

by admin | Thursday, Nov 15, 2018 | 771 views

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka socda Howlgallo gaar ah oo ay wadaan Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Howlgadan ayaa yimid kadib markii Magaalada Beledweyne xalay lagu dilay Nabadoon lagu Magacaabi jiray Cismaan Yuusuf Ciiley  oo ka mid ahaa waxgaradka sidda weyn looga yaqaano magaalada.

Dilka Nabadoonka ayaa waxaa si weyn uga naxay Shacabka kunool Magaalada Beledweyne, waxaana ay codsadeen in Ciidanka ay soo qabtaan Kooxihii dilay Nabadoonka.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Howlgaladan si gaar ah waxa ay uga wadaan 4-ta xaafadood ee ay ka kooban tahay Magaalada Beledweyne, waxaana intii uu howlgalka uu socday ay soo qabteen Koox dhalinyaro ah oo tuhmanayaal ah.

Like it? Share it!

Leave A Response