Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaano hoostaga jowhar

by admin | Monday, Jun 21, 2021 | 274 views

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen inta u dhaxeysa Magaalada Jowhar & degaanka Biya-Cadde.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada DANAB ayaa sheega y in howlgalka ay Ciidamada ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa mid lagu sugayay Amniga wadada xiriirisa Magalada Jowhar & degaanka Biya-Cadde..

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay noqon doonaan kuwa si joogta ah u socda, isla markaana ay uga hortagayaan weeraro kaga yimaado dhinaca Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan weerar qarax ku bilowday ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ku leeyihiin degaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha dhexe

Like it? Share it!

Leave A Response