Iiraan oo weerar askar kaga dhinteen ku eedeysay dalalka gacanka Carbeed

by admin | Sunday, Sep 23, 2018 | 773 views

Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay dalalka Khaliijka inay ka dambeeyeen weerar ay ku dhinteen ugu yaraan 29 qof oo askar iyo rayid isugu jira.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in xulafada Marekanka ee gobolka ay isku dayeen inay abuuraan amni-darrada Iiraan, balse hoggaamiyahan ma carab baa’bin waddamada gobolka ee u weerarka la xiriiriyay.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Javad Zarif  ayaa isagoon la gaban wuxuu farta ku fiiqay Israa’iil ama waddamada ay xulafada yihiin Marekanka ee gobolka gacanta sida Sacuudiga inay soo hubeeyeen kooxda weerarka gaysatay.

Weerarka waxaa fuliyay rag hubaysan oo rasaas ku furey goob ka taalla magaalada Ahvaz , goobta waxaa ka socday gaado ka cayaar ay  soo bandhigayeen milateriga koonfurgalbeed ee dalka Iiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response