Ilhaan Cumar” Mareykanka waa in uu magdhow siiyaa dadka ku waxyeelooba duqeymaha Somalia”

by admin | Wednesday, Jul 8, 2020 | 408 views

Xildhibaanad Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Xildhibaannada Koongareeska dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Xafiiskeedu uu ka shaqeynayo sidii magdhow ay u heli lahaayen dadka ku waxyeelooba duqeynta diyaaradaha Mareykanku ay ka gaysteen gudaha Soomaaliya.

Ilhan Cumar oo Shir jaraa’id qabatay ayaa sheegtay in diyaaradaha Mareykanka ay inta badan duqeymaha ay fuliyaan xilliyada habeenkii,hayeeshee Al-Shabaab kaliya aysan khasaaro gaarsiin balse dad Shacab ah ku waxyeeloobaan.

Waxaa ay sheegtay in Xafiiskeeda uu bilaabi doono sidii ay madghow ku heli lahaayeen dadka ay waxyeelada kaso gaarto duqeynta ay diyaaradaha Mareykanka horay uga geysteen meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay Ilhan Cumar ay sidoo kale sheegtay inay ka Shaqeyn doonaan sidii loo joojin lahaa duqeymaha rayidka waxyeelada ay kasoo gaareyso,isla markaana la hubiyo meelaha ay diyaaradaha Mareykanka duqeynayaan.

Mareykanka ayaa inta badan duqeymaha uu ka fuliyo degaannada ay maamulaan Al-Shabaab waxaa uu ku sheegaa in uu ku dilo Xubno ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee waxaa sidoo kal waxyeelo ay kasoo gaartaa dad Shacab ah,iyada oo horay Hay’adda Xaquuqun Insaanka ee Amnesty international ay Mareykanka ugu eedeysay in uu duqeyn ku dilay Gudaha Soomaaliya dad rayid ah.

Like it? Share it!

Leave A Response