Imaam Ahmed Gurey wuxuu ku dhashey magalada Harar

by admin | Friday, Nov 1, 2019 | 1129 views

Imaam Ahmed Gurey wuxuu ku dhashey magalada Harar wuxuu ahaa nin Inta badan Amusan oo aan hadal badneen oo Diinta Islaamka sifiican u,bartey wuxuu u badnaa Duleedka magaalada Harar wuxuu Salada Jimcaha ku Dukankan Jirey Masajidka weyn Magalada Harar wuxuu garabka ku sidan jirey seef iyo Kutubka Quraanka. Waxaa dhacdey maalin maalmaha kamid in caruur ay goobku cayarayaan uu soo marey Wiil uu dhaley Amiirka Harar heystey uu dardarsiiyo faraskii caruur ta kadibna waxaa halkaa ku Geeriyoodey wiil ka mid ah wiilashii halkaa ku cayarayey oo madi ahaa, wiilka dhintey Hooyadiis ayaa waxey u tagey Amiirka iyo Maxkamada waxey sheegtey in loo Qisaaso wiilka Amiirka dhaley, Amiirka ayaa ka caroodey arinta ay rabto Wiilka dhintey Hooyadiis kadib waxaa maalinkasta oo jimco ah intey Masaajidka hor Fadhiisato ayey dadka,weydiisan jirtey Cadalad iyo in loo qisaaso Wiilka uu dhaley Amiirka. Kadib maalin Jimca ah ayey waxey la hadashey Imaam Ahmed Gurey ama Ahmed Gran oo ku tiri Hooyadii oo ooyneysa ninyahahow nin wanaagsan ayaad tahay oo Waxaan kuu arkaa nin muxsin inaad tahay Waxaan kaa codsaneyaa in cadalada Garab iigu siisid oo Amiirka Wiilkiisa sharciga in la iigu qaado Imaam Ahmed Gurey ama Ahmed Gran ayaa wuxuu yiri ilaa Jimcaha kale isug si aan jawaab kuu siiyo. Culumadii hore wey khalweynjireen inta badan khalwo kadib wuu go’aansadey Imaam Ahmed Ibrahim Al Gazi inuu Garab istaago Hooyada wiilka dhashey. kadib wuxuu yimid sida cadadiisa aheyd maalintii Jimcaha Masajidka weyn Harar kadib Salada jimco kadib ayuu Utagey Hooyadii oo u ka xeeyey Amiirkii oo markuu u tagey Amiirka ayuu ku yiri Amiirow Waxaan kaa rabaa in aad cadalada ku fulisid wiilkaaga oo Hooyadan wiilkeeda diley kadib waxaa caroodey Amiirkii oo intuu,fadhiga ka soo istaagey oo ku Qeyliyey ma wiilkeyga ayaad dooneysaa in wiilka Hooyadan loo dilo markuu soo istaagey oo doonayey in uu xiro Imaam Ahmed, durbadiiba Imam Ahmed Gurey ama Ahmed Gran ayaa gacanta bidix intuu seeftii Kula soo baxey Qoorta ka Jarey Amiirkii. Kadibna Amiir nimadii halkaa Kula wareegey

Like it? Share it!

Leave A Response