Imaaraadka Carab Oo Saddex Arrin Uga Guuleysan Kara Soomaaliya

by admin | Thursday, Apr 26, 2018 | 1403 views

Waxaa soo baxaya daldaloolo muujinaya in Imaaraadka ay dalkeenna Soomaaliya uga guuleysan karto haddii aanay DFS tallaabo degdeg ah qaadin.
Imaaraadka oo doonaya in markii uu ka dhammaado Soomaaliya ku dhowaaqo inuu xiriirka u jaray, ayaa waxaa soo baxaya warar cusub oo aan heleyno.
Hadaba waxyaabaha ay inooga guuleysan karaan:
1- Kala fogaanshiyaha shacabka Soomaaliyeed
Waxaa kala fog aragtida dadka Soomaaliyeed oo maamullo loo kala qeybiyay, waxaana la helayaa dad taageersan dowladda Imaaraadka Carabta.
2- Ganacsiga dalka oo ay badi hayaan
Imaaraadka waxaa soo mara wax walbo oo ganacsi ah, islamarkaana Soomaaliya usoo socda, ku darso shirkadaha waaweyn, sida Bankiyada iyo xawilaadaha dalkaasi ayeey xisaabaad ku leeyihiin.
3- Dowlado saaxiib la ah Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaa
Imaaraada waxaa aad u aamisan dowlado Soomaaliya saaxiibo dhow la ah, taakuleynna siiya, haddii ay baxaan waxay awoodi karaan in dalalkaasi ka dalbadaan iney la colloobaan Soomaaliya, waana macquul in taasi ay dhacdo.

Like it? Share it!

Leave A Response