Imaaraadka Carabta oo xiray Isbitaal weyn uu ku lahaa Muqdisho kana rartay Agabkii u yaalay

by admin | Tuesday, Apr 17, 2018 | 992 views

Sida lagu daabacay Wareyska Alceyn Imaaraadka ayaa goor dhow ku dhawaaqay  in gabi ahaanba albaabada la iskugu dhuftay isbitaal weyn oo uu Imaaraadka Carabta ka furay magaalada Muqdisho ee lagu magacaabo Sheekh Zayed Hospital.
Arrintaan ayaa imaaneysa xilli uu aad usii xumaaday xiriirka ka dhexeeyay labada dal ee Imaaraadka Carabta iyo Somalia kadib markii dowladda Somalia ay ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabatay diyaarad Imaaraadku lahaa oo siday lacag malaayiin dollar ah.
Ku dhawaaqista Imaaraadka ee xiritaanka Isbitaalka weyn ee Sheekh Zayed ayaa kusoo beegmeysa xilli ay si rasmi ah dowladda Imaaraadka u shaacisay inay joojisay taageeradii iyo caawinaadii milatari ee ay siin jirtay Somalia.
Goor sii horeeysay Saraakiishii tababarayaasha ahaa ee ku sugnaa Xerada tababarka Imaaradka eeMuqdisho ayaa saakay isaga baxay Magalada Muqdisho,iyaga oo dalkooda dib ugu laabtay.

Like it? Share it!

Leave A Response