Imaaraadka oo Qirtay in Lagaga Adkaaday Dagaalka Warbaahinta ee Soomaaliya

by admin | Tuesday, Apr 24, 2018 | 1315 views

Wargeyska Alitixaad ee ku hadlo afka dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa caddadkiisa maanta oo isniin ah 23ka April waxaa kusoo baxay maqaal ah “Maxaan ugu guul dareysanay dagaalka warbaahinta ee Soomaaliya?” maqaalkan oo uu qoray qoraa Sacuudiyaan ah laguna magacaabo Mansuur Alnuqeydaan oo deggen Imaaraadka kana mid ah gacan yara yaasha wasiirka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa maqaalkiisa ku sheegay “in dowladda Imaaraadka horay ugu guuleysatay buunbuuninta muuqaalkeeda iyo sumcaddeeda caalamka xagga banii aadamnimada. Todobadii sana ee ugu danbeysay waxey gashay ama ka qeyb qaadatay iskuday-yo iyo howl gallo heer gobol iyo heer Carbeedba ah, waxey gashay dadaallo banii aadamnimo, ayadoo ka amba qaadeyso dareenka masuuliyadeed ee ka saaran Amnigeed iyo gobalka, waxey isticmaashay maalkeed iyo awoodaheeda siyaasadeed, marar badanna u hurtay dhiigga muwaadiniinteeda, sida hadaba ka taagan Yemen”
Alnuqeydaan waxa kale ee uu sheegay:
“Marar badan warbaahinteenu ma gaarsiisno heerka laga filaayo, waxaa ku yar dadka wax taxliilin karo, dhowr qof oo kusoo noqnoqoto, xog yari iyo dadka wax taxliiliyo iyo kuwa doodaha kaga qeyb galo warbaahinta caalamiga ah ee ku hadasho afka carabiga oo aan laheyn aqoontii iyo xirfadahii loo baahnaa, sidoo kale dhibaatooyinka warbaahinteena soo tabinteeda haysto, waxaa ka mid ah soo deynta baraamijyo iyo warar marar badan horey loo baahiyay, kala koobiyeynta warbixinnada iyo xogaha, iyo tabar darri cad oo ka dhigtay mid aanan iska caabbin Karin waxa ay buun buuniyaan talafshinno iyo websiteyo cadaw noo ah, una arko guul kasta oo Imaaraadka gaaro in ay ayada guul daradeeda tahay”.
Waa uu sii waday hadalkiisa oo waxa uu yiri:
“Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa isbadaladii u danbeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, waxaa dhibaato dhanka cilaaqaadka ah ka dhex qaraxday labada dal, warbaahinteena waxa ay aamusneyd oo aysan waxba ka qorin dhibaatada muddo 10 cisha ah, halka talafashinada “Aljazeera” iyo : Alxiwaar” ey arinta uga hadlayeen habab khatarteeda leh, warbaahinta Imaaraadka iyo wadamada la ologga ah waxa ay ku koobnaayeen ka hadalka laba arimood oo kala ah: Tan koowaad: qeexidda iyo faahfaahinta waxtarka Imaaraadka ugeystay Soomaaliya tobonaankii sane ee lasoo dhaafay, ayago soo gudbinayay number iyo tirikoobyo, waana arrin ku baraaruggeeda iyo iftiminteedaba ay muhiim tahay, maxaa yeelay nabadgalyada shacabka soomaaliyeed, haqab tirkiisa Cunta ahaan, Caafimaad ahaan iyo Amni ahaan waa hadafka rasmiga ah ee waxtarkaasi …… Arinta Labaada waa: in wax kasta oo (Soomaaliya) naga qabsado in la dhaho waxaa ka danbeeyo shirqoolada ay maleegeyso Qatar, markii ay halkaasi mareyso waxaa lagama maarmaan ah in aan ka digtoonaano labadan arimood ee isa suranta ah, in simbiririxo kastoo nasoo wajahdo inaan u tiirino Qatar waa un anagoo si kale u qiranay in nalaga guuleystay”.
“Arinta xiisaha leh ayaa ah in markii ay bas beeshay (aamustay) warbaahinta Imaaraadka, waxaa karaar qaatay talafashinada kale oo bilaabay furfurka asbaabaha ka danbeeyo isbadalada cusub ee Soomaaliya kasoo kordhay, ayagoo la abbaaray meela fogfog oo kicinaayo dareenka wadiniyadeed ee Soomaalida, isla markaan muuqaal sheydaan u yeelayo Imaaraadka. Ololeyaasha warbaahineed oo ka dhanka ah dadaalada Imaaraadku kawada Jasiirada Suqadhra, Cadan, Soomaaliya iyo Liibiya, waa in ay naga dhigaan kuwa sabar badan, aragti fog, dulqaad badan iyo waliba caqli bada, waa in aan isku laabanaa  ogaanaana in warbaahinta lagu howl galiyo si degdeg ah, iyo ololeyaasha kadiska ah aysan iska caabbin Karin qorshe Istiraatijiyadeed qoto dheer waqti fogna loogu talagalay, diyaarna u ah marwaliba inuu nagu kadiyo. Aamuska warbaahinteena ma ahan mid la fahmi karo ama qiil loo yeeli karo, Saacad walba oo na dhaafto waxaan lumineynaa taageero, waxaan kasbaneynaa cadaw cusub oo ah bulsho aanan xoogganeyn, wali aanan kasoo kabanin dagaal doqomeedkii sokeeye, iyo ururadii hubeysnaa, iyo kaaba qabiillo ay fududdahay in la laaluusho laguna daneysto. Halka danaheenii Istiraatiijiga ahaa ay wajahyaan khatar dagaal ba’an oo dhanka dekedaha ah, ee u dhexeeyo kooxaha waaweyn kaa soo ay ka badbaadi karto oo kaliyah ciddii xoog leh”.
Kadib diidamdii ay Soomaaliya ka biyo diiday hishiiskii Berbera ayaa Imaaraadka waxa uu soo kiciyay waxa loo yaqaano guutooyinka Internetka oo dagaal dacaayadeed ku qaaday Soomaaliya, taasoo keentay, in dhalinyarada Soomaaliyeed si isxilqaan ah uga istaagaan u jawaabidda dagaalka afka ah ee Imaaraadku ka bilaabay baraha bulshada, maqaalkanna waxa uu hordhac u yahay qirashada Imaaraadka iyo sida uu uga xanuunsaday weerar celiskii dhalinyaradaasi aysan dowlad iyo hey’ad toona isku xirin ee dal jaceyl dartiis ugu istaagay difaac dalkooda.
Waxaan ayadana meesha ka marneyn in Talafashinka Aljazeera oo laga leeyahay Qatar oo cadaawad ba’an kala dhexeyso Imaaraadka uusan luminin dhammaan fursadaha uu u heli karay inuu tabiyo dhammaan tacadiyada Imaaraadka ee Soomaaliya ka dhanka ah, taasi ayadana Soomaalida u noqotay meel ay caalamka ku garsiiyaan cabashadooda ka dhanka ah Imaaraadka, taasi oo miraheeda laga dhadhansan karo cabashada Imaaraadka ee maqaalkan

Like it? Share it!

Leave A Response