Imaaraadka oo soo saaray digniin ku wajahan Somalia

by admin | Monday, Apr 8, 2019 | 724 views

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo saartay digniin ay siisey dalxiisayaasha u dhashay dalkaas ee u safraya dalal ay ku jirto Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Imaaraadka Carabta ayaa soo saartay digniin ay ku sheegeyso in muwaadiniinteeda aysan u safrin 11 dal oo ku yaalla caalamka, Soomaaliyana ka mid tahay.

Liiska waddamada aysan u safri karin muwaaddiniinta Imaaraadka oo ahaa 13 dal ayaa hadda lagu soo koobay 11 dal, waxaana laga saaray dalalka Brazil iyo Ukraine.

Inkasta oo Pakistan ay ku jirto liiska dalalka ay dowladda Imaaraadka carabta ka digtay in muwaaddiniinteeda ay u safraan haddana dadka Imaaraadka ayaa Fiisaha Pakistan ka heli kara Online-ka. Waddamada kale ee xaaladda amni xumo ka jirto ee ay uga digtay muwaadiniinteeda waxaa ay kala yihiin; Madagascar, Democratic Republic of the Congo, Yemen, South Sudan, Afghanistan, Somalia, Pakistan, Syria, Nigeria, Iraq iyo Libya

Like it? Share it!

Leave A Response