Imisa Ciyaartoy Ayaad Doonaysaan Inay U Dhintaan Coronavirus? – Premier League Oo Lagu Eedeeyey In Aanay Dan Ka Lahayn Nolosha Ciyaartoyda

by admin | Thursday, Apr 30, 2020 | 705 views

Maamulka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lagu eedeeyey in aanay wax dan ah ka lahayn nolosha ciyaaryahannada oo ay ka door bidayaan danahooda dhaqaale, isla markaana ay ku cadaadinayaan inay yimaaddaan garoomada waqti uu xanuunka Coronavirus dad badan ku dilayo gudaha dalkaas.

Difaacii hore ee Manchester United ee Gary Nevilla ayaa sheegay in ciyaaruhu ay noqdeen ganacsi oo kooxuhu ay ka fikirayaan sidii ay dhaqaale u samayn lahaayeen ayna gaadhayaan go’aamo degdeg ah oo ay ku doonayaan in dib loo bilaabo ciyaaraha iyadoo ay jirto khatar badan.

Neville waxa uu sheegay in sarkaalka dhinaca caafimaadka u qaabilsan FIFA uu sheegay in la ciyaari karin inta ka horreysa bisha September, ayna tahay in loo hoggaansamo si aan dhibaato loo gelin, waxaanu yidhi: “Sarkaalka caafimaadka ee FIFA waxa uu sheegay in kubadda cagtu aanay dhici karin inta ka horreysa September. Waxay ila tahay in haddii uu go’aanku yahay mid aan dhaqaale ku sallaysnayn, in bilahaas aanay kubbadi jiri doonin.

“Dadku waxay hadda qiimaynayaan khasaaraha. Dad intee le’eg ayaa dhimamaya haddii la ciyaaro Premier League? Mid? Hal ciyaartoy? Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa xaalad degdeg ah oo caafimaad gelaya? Khatar intee le’eg ayaynu qaadanaa? Go’aanku wuxuu si cad ugu sallaysan yahay mid dhaqaale.”

Dhinaca kale, waxa uu Neville xusay in ciyaaryahannadu ay doonayaan in ay kusoo laabtaan garoomada oo ay dheelaan iyagoo qaadanaya khataro, waxaanu ku baaqay in la joojiyey wixii halis gelinaya nafaha dadka.

Like it? Share it!

Leave A Response