Imitixaankii W.Waxbarashada oo maanta baaqday

by admin | Sunday, May 20, 2018 | 1210 views

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maanta uu baaqday Imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/Raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in Roobka xoogga leh ee xalay ilaa saaka ka da’aya Muqdisho uu sababay in aanay ardayda u suurto gelin in ay tagaan goobaha lagu qaadayay Imtixaanka.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa shalay furtay Imtixaanka shahaadiga ah,waxaana u fariistay shalay kaliya 27,000 oo Ardey kuwaas oo wax ku barta goobaha waxbarashada ee Kooofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Guud ahaan Ardeyda u fariisatay Imtixaanka sanadkan waxaa ay gaarayaan 35,000 oo Arday sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta dowladda.
Ardey ka badan 1,000 oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sidoo kale horay imtixaankooda dib loogu dhigay Fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo Roobka ka da’ay Beledweyne oo sababay in magaalada laga barakaco.

Like it? Share it!

Leave A Response