Immisaa Xildhibaano ka ah 13, Wasiir ee uu magacaabay RW Kheyre, Maxaase ka cusub?

by admin | Thursday, May 24, 2018 | 880 views

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay 13 Wasiir kuwaas oo isugu jira Wasiirro,wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal.

Waxaa ay kala yihiin 6 Wasiir, 5 wasiir ku xigeen iyo labo wasiiru dowle, kuwaas oo ka mid noqonaya xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Wasiirrada waxaa ka mid ah Xamze Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka,waa Xildhibaan,waxaana uu kursiga ka beddelay Maryan Qaasim oo Bishii November ee sanadkii hore iska casishay xilkaas.

C/Rashiid Maxamuud Xasan,waa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musoobiiyinka,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq Cali,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga,waa Wasiirka ugu da’da yare e wasaaraddan soo mara,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta,waxaa uu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga,waana Ninka kaliya ee aan ku jirin Golaha shacabka Wasiirrada xalay la magacaabay.

C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, waxaa uu iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,waxaa uu ahaa ninka 3aad ee ugu codka badnaa doorashadii guddoonka Golaha shacabka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga,Waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta,waxa uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,waana xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya..

Maxaa cusub?.

13; ka Wasiir ee la magacaabay kuma jiro Qof Haween ah,waxaana ay tani saameyn taban ku leedahay saamiga Siyaasadda Haweenka ee 30%.

Safaaradaha Soomaaliya ee banaan waxaa ay ahaayeen 12; Safaaradood hadda waxaa ay noqonayaan 13,waxaana ku biiraya Safaaradda Sucuudiga ee uu ka soo tagay Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka War faafinta.

Wasiirradii isu casilay rididda Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaa ka soo laabtay hal wasiir oo ah C/Casiis Lafta Gareen.

Wasiirkii Howlaha Guud Saadaq Cabdullahi Cabdi waa wasiirka kaliya ee la eryay,waxaa uu xilkan hayay 9; bilood oo kaliya,waxaa uu beddelay Cabaas Sheekh Siraaji oo 3dii May 2017 lagu dilay Muqdisho,waxaana hadda lagu beddelay C/Fitaax Geeyseey.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ay yeelatay Wasiirkii saddexaad muddo sanad iyo bil ah,waxaana ay tahay Wasaaradda ugu badan ee la isu beddelay Xukuumadda Kheyre.

Like it? Share it!

Leave A Response