In ka badan 100-Xildhibaan oo ku shiray Muqdisho oo u digay C/wali Muudeey kana hadlay mooshinka Jawaari

by admin | Tuesday, Apr 3, 2018 | 1191 views

Xildhibaanada la magac baxay Badbaadada baarlamaanka oo galabta kulan ka yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Halka ay wax marayaan oo ku aadan Dadaaladii Madaxweynaha iyo Mooshinka Jawaari.
Xildhibaanadan oo Boqol ku dhow ayaa Kulan qado ahaa oo ay isugu yimaadeen kadib, waxey Faah faahiyeen waxyaabaha ka soo baxay kulankii ay uga hadlayeen, qorshaha marxaladda xigta, arrimaha barlamaanka ee taagan, nabad galyada dalka & xaaladda xuduudaha dalka ka soo korortay.
Xildhibaanada ayaa ka digay, Kulanka Arbacada ee Baarlamaanka lagu horkeenayo Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Kaa soo baaqsaday Sabtidii maadaama Madaxweynaha soo jeediyay in Kulanka Baarlamaanka la hakiyo.
Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa tilmaamay in hadii kulankaasi uu qabsoomo ay ka dhigantahay in meel la iska dhigay dadaaladii uu Madaxweynaha waday ee ku aadaneyd xal uhelista Khilaafka ka dhashay Mooshinka 14-Kii Bishii hore laga keenay Gudoomiye Jawaari.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa Xildhibaanadii kulankaa ka ahdlay, ayaa Sharci daro ku tilmaamay Warqada ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka C/wali Muudeey ee Shaqa Joojinta loogu sameeyay Xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Buux, Midkalana booskiisa sida KMG-ka ah loogu dhiibay.
Ugu danbeyn, waxey baaq udireen Beesha Caalamka oo ku aadan iney arintan soo faragaliyaan, si aan loo burburin waxyaabihii ay Dowladdan Cusub qabatay Mudada Sanadka ka badan ee Jirto.
Si Kastaba, Durbadiiba waxaa soo ifbaxay inuu wali halkiisii yahay Khilaafkii udhexeeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Uuna mira dhal noqon xalkii laga sugayay Madaxweynaha, Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha farmaajo aan iskiis ujoojin Kulankii 31-Kii Bishan, Balse uu jiro Cadaadis ay saareen Madaxda Dowladdaha deriska la ah Somaliya, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Igad iyo Dowladda Ingiriiska.

Like it? Share it!

Leave A Response