Indha Qarshe “In ciidanka xoogga dalka uu laba sano iyo bar gudahood yeesho shan taliye sax maaha”

by admin | Sunday, Aug 25, 2019 | 576 views

Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka ee Khamiistii xil ka qaadista ku sameeyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka hadlay isbadalka lagu sameeyay.

Indha Qarshe oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in uusan diidaneen isbadalka oo qayb ka ah Dowladnimada, balse waxa uu tilmaamay in uu jeclaan lahaa in Ciidanka uu yeesho hal taliye.

Taliye Indha Qarshe waxa uu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay hogaan u noqdeen 5-Taliye, muddo laba sano iyo bar ah, taasna aysan xal ahayn.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda iyo Wasiirka Gaashaandhigga waxa uu kula dardaarmay in waqti la siiyo Gen Odawaa Yuusuf Raagge Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka, isla markaana aan isbadal lagul degdegin.

Dhismaha Ciidamada Soomaalida waxa uu ku xiray isla xisaabtan, balse waxa uu caqabad aan horusocod ahayn u arkaa isbadalka, halkii Taliyaha wax laga weydiin lahaa Waxqabadkiisa.

Jiritaanka Qaranka ayuu ku tilmaamay dhismaha Ciidan awood badan, isaga oo tusaale usoo qaatay in dalalka qalalaasaha gala ee leh Ciidamo diyaarsan in ay ka badbaadaan burbur.

Taliyaha lagu badalay ee Odawaa Yuusuf waxa uu ku sifeeyay in uu yahay Nin u qalma Xilkaan, uuna aaminsan yahay in uu kasoo bixi karo hadii fursad la siiyo.

22-kii bishaan oo ku beegneed Khamiistii ina dhaaftay, Golaha Wasiirada Soomaaliya shirkooda todobaadlaha waxa ay isbadal ku sameeyeen Taliyaasha Ciidamada, iyaga oo Xilalkii ka qaaday Taliyaashii Ciidamada Militariga, Booliiska iyo Asluubta.

Like it? Share it!

Leave A Response