Isbaheysiga Sacuudiga oo Burburiyay 8 diyaaradood

by admin | Sunday, Mar 7, 2021 | 393 views

Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee Yemen ayaa sheegay  in ay qabteen sideed diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay ku rakibnayeen waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo Xuutiyiinta u direen dhanka Sacuudiga.

Bayaan uu soo saaray afhayeenka isbahaysiga Col. Turki al-Maliki ayaa  wuxuu ku eedeeyay fallaagada Xuutiyiinta in ay “si ula kac ah oo u bartilmaameed sadeen dad rayidka ah”, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Waxa uu sheegay in isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga “ay dhaqan galinayaan hanaan lagu ilaalinayo dadka rayidka ah, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ee bini’aadanimada”. Ayaa uu yiri.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Xuutiyiinta oo ku aadan bayaanka kasoo baxay xukuumada Riyaad.

In kasta oo maamulka Mareykanka uu ugu yeeray kooxda Xuutiyiinta  “ in ay joojiyaan howlgalada milateri isla markaana ay dib ugu laabtaan wadaxaajoodka”, haddana falaagada ayaa sii xoojisay weerarada ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn  ee ka dhanka Isbahaysiga uu Sacuudiga hor boodayo.

Talaadadii, maamulka Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaray laba hoggaamiye oo Xuuthiyiin ah waxaa ayna ku sheegeen “masuuliyadooda ee ka sii daridda” colaadda Yemen.

Kooxda Yaman, oo ay taageerto Iran, waxay si joogto ah u sheegataa  gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee duqeymaha ka geysta dalka Sucuudiga, iyaga oo sheegaya in ay falcelin u tahay isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ee Yemen.

Yemen waxaa hareeyay rabshado iyo xasilooni darro tan iyo sanadkii 2014, markii fallaagada Xuutiyiinta ay qabsadeen inta badan dalka, oo ay ku jirto caasimada Sanca.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee loogu talagalay dib u soo celinta dowladda Yemen ayaa xaalada ka sii daray, taasi oo keentay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ugu xun dunida e ku dhowaad 80% ama ku dhowaad 30 milyan oo dadkeeda ah oo u baahan gargaar bani’aadamnimo iyo ilaalin iyo in ka badan 13 milyan oo khatar ugu  jira gaajo darted.

Like it? Share it!

Leave A Response