Isbedel lagu sameeyay xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed

by admin | Wednesday, Jul 29, 2020 | 401 views

Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Koofu Galbeed Soomaaliya oo Maanta u qabsoomay kalfadhigii 1-aad kulankiisa 10-aad Akhrinta kuwaad Marsiiyey Wax kabedelka Xeer hoosadka Barlamanka Koonfur Galbeed.

Kulan maanta waxaa soo xaadireen ilaa iyo 62 xildhibaan waxaa dhammaan loo sharaxay qodobadda wax ka bedelka lagu sameeyay iyo qodobada ka haray xeer hoosaadka oo loo bahanayhay in laga doodo .

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koofur-galbeed Soomaaliya Amb. Cali Saciid Faqi ayaana Shir Guddoomiyay kalfadhigii 1-aad kulankiisa 10-aad waxaana soo xaadirey kulanka 62-Xildhibaan .

Guddoomiye Cali saciid Faqi ayaa xildhibaanada u sheegay in maalinta beri ah laga doodo doona loona baahanyahay inay soo akhriyaan golaha si wax ka bedelka xeer hoosaadka uu u noqdo mid ay ka dhalan karo u gudbida hanaan dimuquraadiyada isla markaana uu u yahay muhiim ummadda Koofur-galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response